Golaha wasiirada oo ka shiray Dastuurka cusub iyo Qorshayaal kale

Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka cusub ee Muranka taagan, kaasi si weyn ay u diidan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo Maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka, sida lagu qoraal ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha.

Golaha Wasiiradda, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Mudane Maxamed Rabiic Yuusuf oo noqonaya Safiir Ku-xigeenka Ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay in loo dalacsiiyo darajada Safiir, wuxuunna noqonayaa Safiirka labaad ee Soomaaliya u fadhiya halkaas.

Ugu dambayn, Golaha ayaa ansixiyey Siyaasado, Heshiisyo iyo Xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin

1- Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya

2- Xeer-Nidaamiyaha Dib-u-Howlgalinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada ee Qaranka Soomaaliyeed

3- Heshiiska u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan dhiirrigalinta iyo ilaalinta is-dhaafsiga Maalgashiyada.

4- Cusboonaysiinta heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan Waxbarashada.

5- Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles