Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wasaaradda Amniga Gudaha oo warbixin faahfaahsan oo wadata xog naqshadaysan oo ku saabsan baasaboorka iyo tirakoobyo, ayaa warbixinta ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiiradda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta mas’uulka dowladeed leeyahay, isaga oo boggaadiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji celintii baasaboorka ajnabiga ah.
Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa sixid iyo wax ka badel ku sameeyay magacaabistii xubin ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.


