Tuesday, February 17, 2026

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan deg-deg ah xalay yeeshay ayaa soo saaray amarro culus.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu yidhi, “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.”

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee caawa ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo Qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka. Talaabadan ayaa loogu talagalay in lagu xakameeyo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, taasoo dhibaato ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Siyaasadda Iibka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cunaqabataynta hubka. Siyaasaddan ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu hagaajiyo nidaamka hubka ee ciidamada, si loo hubiyo in hubka iyo saanadda ay si sax ah u gaaraan gacmaha saxda ah.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay xaley yeesheen lagu ansixiyay Heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojin doono iskaashiga milateri ee labada dal, isagoo fursad siinaya in la iska kaashado arrimaha ammaanka, tababarka ciidamada, iyo teknoolojiyadda milateriga.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ka wada hadlay arrimo kale oo muhiim u ah qaranka, oo ay ku jiraan horumarinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo sare u qaadidda amniga. Raysal Wasaaraha ayaa ku booriyay Golaha Wasiirrada in ay si hufan u fuliyaan siyaasadaha iyo qorshayaasha la ansixiyay, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta iyo nabadeynta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta in ay xoojiso hay’adaha qaranka, hagaajiso nidaamka doorashooyinka, iyo in ay gaarto isbeddel dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Kulanka xalay waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Dowlada in ay ka shaqeyso danta guud ee dalka iyo dadka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Ramadaan

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi...

Madaxweyne xasan sheekh oo kulan la qaatay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo masuuliyiin kale oo maanta tagay Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles