Goobaha ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran iyo xiisad culus oo taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga ee magaaladaasi ay maanta oo Sabti ah albaabada isugu laabeen, kaddib markii uu sii socdo xirnaanshaha Dekedda Boosaaso oo maalintii 11-aad xiran.

Ganacsatada magaalada ayaa tallaabadan qaaday kaddib markii ay ka biyo diideen khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha Dekedda Boosaaso ee DP World, taas oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelanayso ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee Puntland. 

Xirnaanshaha dekedda ayaa saameyn weyn ku yeeshay isu socodka badeecooyinka, iyadoo Boosaaso ay tahay dekedda ugu weyn ee ganacsiga Puntland, lagana soo dejiyo raashinka, shidaalka, dawooyinka, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo muhiim ah.

Waxaa dekedda ku xayiran boqolaal gaadiid xamuul ah, halka maraakiibta qaar ay dib u dhac kala kulmayaan dejinta iyo rarista shixnadahooda.

Sidoo kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii xaaladdu sii socoto ay kor u kici karaan qiimaha badeecooyinka iyo maciishadda.

Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli si rasmi ah uga hadlin muddada dheer ee ay dekeddu u xiran tahay iyo xalinta khilaafka ka dhashay khidmadaha cusub.

Dhanka kale, magaalada Boosaaso waxaa laga dareemayaa qabanqaabada mudaharaadyo looga soo horjeedo canshuurta cusub ee lagu soo rogay gaadiidka iyo badeecadaha ka soo dega dekedda.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles