Guddiga doorashooyinka oo tababar uga furay degmada Balcad hawlwadeenadda diiwaangelinta codbixiyaha

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar uga furay Degmada Balcad Howlwadeennada Diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Tababarkan oo ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Howlwadeennadu u heli lahaayeen xirfado iyo aqoon casri ah oo la xiriirta hawsha diiwaangelinta, gaar ahaan ku shaqaynta qalabka elektaroonigga ee casriga ah.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ahna kusimaha guddomiyaha degmada Balcad sheekh axmed aya goob joog ahaa daahfurka Tababarkani.

Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah. Si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles