Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta shaaciyay in toddobaadka soo socda si rasmi ah looga bilaabi doono magaalada Muqdisho qeybinta kaararka cod-bixinta ee loogu talagalay dadka horey isu diiwaangeliyay ee ku nool gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawshaasi ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka degmooyinka dalka, isagoo xusay in guddigu diyaariyay dhammaan agabkii iyo qorshihii farsamo ee lagu fulin lahaa nidaamka codbixinta.
“Waxaa farxad noo ah inaan ku dhawaaqno in dadka is diiwaangeliyay ee Gobolka Banaadir ay heli doonaan kaararkooda codbixinta, taas oo u suurtagelineysa inay si sharci ah uga qeybqaataan doorashada soo socota,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmooyinka Xeebta ah ay todobaadka socda ka bilaabi doonaan qeybinta kaararka Codbixinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay go’aankeeda ku aaddan qabashada doorashooyinka heer degmo, xilli dhinacyo badan ay ka soo horjeedaan hanaanka ay wax u wado dowladda.


