Monday, July 13, 2026

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaqay natiijada doorashadii ka dhacday Koofur Galbeed

Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaqay natiijada doorashada Qof iyo Codka ah ee Golaha Wakiillada , taas oo bishan 10 keedii ka dhacday 13 degmo .

Tirada wadarta codeysay ayaa ahayd 132,430, iyadoo kuraasta lagu tartamay ay tahay 95, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo ku dhawaaqay natiijada.

Urur siyaasadeedyada galay kaalimaha hore ayaa waxaa ka mid ah, ururka Caddaaladda iyo Wadajirka JSP oo helay 51 kursi, Ururka NPU oo helay 14, ururka Karaama 11, ururka SINCAD 6, Ururka TIIR 3, Waaberi 1 ,Madalsan 1, Talo Qaran,1, Muwaaddiniinta Soomaaliyeed,1, Ramaas, 1, Towfiiq 4,Saab,1, halka kuwa Kalena aysan waxba helin, waxaanay ahayd tirada guud ee codeysay 128,276 qof.

Doorashadii todobaadkaan ka dhacday Koofur Galbeed waxaa ka qeyb galay 32 Urur Siyasadeed oo 12 ka mid ah ay heleen 95 kursi, kuwaas oo dhawaan dooran doona hoggaamiyaha maamulka Konfur galbeed.

WARARKII KALE

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka socda Muqdisho Kahor Wadahadalka DF iyo Mucaaradka ee 20-ka July

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wareegga labaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles