Wednesday, January 28, 2026

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo meelmariyay ajandayaasha golaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo golaha, metelaadda shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib la meel mariyay ajandaha golaha iyo qorshe hawleedka guddiyada ee kalfadhiga lixaad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa...

Fadhigii BFS oo Buuq ku soo xirmay iyo Mucaaradka oo ka hortagay qorshaha Dastuurka

Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Buuq iyo sawaxan ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa maanta buuq iyo sawaxan xooggan uu ka taagan...

Jubbaland iyo Puntland oo ka Horyimid wax ka beddelka Dastuurka Federaalka

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles