Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, iyo ku-xigeennadiisa ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.
Guddiga cusub ee doorashada ayaa ka kooban toddobo xildhibaan oo loo xilsaaray qabanqaabada iyo maareynta doorashada hogaanka sare. Xubnaha guddiga ayaa kala ah:
- Xildhibaan Axmed Keyse Cabdi Shire
- Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Axmed
- Xildhibaan C/kariin Cali Yuusuf
- Xildhibaan Siciid Dalmar Faarax
- Xildhibaan Maxammed Maxamuud Cali
- Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux
- Xildhibaan Axmed Cali Xuseen
Magacaabista guddigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dardar-gelinaysa geeddi-socodka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, taas oo loo ballansan yahay inay dhawaan qabsoonto.


