Warmurtiyeedka oo ay soo saareen DF iyo xubnihii ka baxay Madasha Mucaaradka(Akhriso)

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirar ay madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wadahadalada  iyo qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka oo kala ah Mursal Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hore u soo noqday Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle Wasiir hore, wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya.

Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. In la xoojiyo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
  2. In si wadajir ah looga qayb qaato dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo xoreynta goobaha wali ku sugan kooxaha argagixisada.
  3. In Baarlamaanka Federaalka iyo golayaasha dowlad-goboleedyadu ay doortaan Madaxweynaha JFS, halka golayaasha wakiiladuna ay doortaan hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.
  4. In Madaxweynaha JFS uu awood u leeyahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, ansixintiisana Golaha Shacabka, isla markaana kalsoonida lagala noqon karo.
  5. In urur siyaasadeed uu xisbiga qaran noqon karo marka uu helo ugu yaraan 10% xubnaha Baarlamaanka Federaalka.
  6. In doorashooyinka dalka lagu saleeyo Xeerka Doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgelinayo qodobada cusub.
  7. In si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.
  8. In si degdeg ah loo dhameystiro cutubyada ka harsan Dastuurka Federaalka, si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
  9. In geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah si wadajir ah uga qayb qaataan mucaarad iyo muxaafad, looguna tartamo golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ee JFS.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles