Afar wariye oo ka mid noqday dad ku dhintay duqayn ka dhacday Isbitaal ku yaalla Qasa

Wasaaradda caafimaadka Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa saaka sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay dhinteen kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka dhintay ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka, bukaanada iyo suxufiyiin, waxayna intaa ku dartay in adeegyada caafimaad ee isbitaalka uu saameeyay weerarkani.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku sheegtay bartaheeda Instagram in mid ka mid ah suxufiyiintooda lagu dilay weerarka. Sidoo kale, waxay sheegtay in ugu yaraan saddex suxufi oo kale ay dhinteen.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in suxufi muuqaal-qaade ah oo u shaqayn jiray si madax-bannaan ay geeriyootay.

Ciidanka difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah la bilaabi doono kadib weerarka, waxaana ay ku andacooday in aysan si gaar ah bartilmaameedsan suxufiyiinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles