Sunday, January 25, 2026

Guddoomiyaha haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo qaabilay ku geenka wakiilka Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha.

Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI.

Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca.

Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles