Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago dalka Jabuuti, safarkaasi oo la filayo inuu qaato muddo laba maalmood ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo rasmi ah.

Inta uu joogo Jabuuti, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha dalkaas Ismaïl Omar Guelleh iyo mas’uuliyiin kale oo sare. Kulamada ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.

Safarka ayaa ku soo aadaya xilli labada dal ay u diyaar garoobayaan doorashooyin siyaasadeed. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah u gudbiyay musharraxnimadiisa doorashada madaxtinnimada ee la qorsheeyay 10-ka Abriil 2026, isagoo doonaya inuu sii kordhiyo muddo-xileedkiisa lixaad.

Geelle oo 78 jir ah ayaa talada dalka hayay tan iyo 1999-kii, markaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti Hassan Gouled Aptidon.

Muddo ku dhow 27 sano oo uu xukunka hayay, Geelle waxa uu Jabuuti ka dhigay xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga gobolka, iyadoo dalka ay ku yaallaan saldhigyo milatari oo ay leeyihiin quwadaha waaweyn sida United States, China iyo France.

Go’aanka Geelle uu mar kale ugu tartamayo xilka ayaa yimid kadib markii Baarlamaanka Jabuuti bishii Oktoobar 2025 uu meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta, kaas oo hore u ahaa 75 sano, taasoo u furtay waddo sharci ah inuu mar kale doorashada galo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles