Monday, November 3, 2025

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya mudane Hideki Matsunaga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, ka hortagga khataraha dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dadaallada horumarinta bulshada ee ay dowladda Soomaaliya wado.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa bogaadiyay horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee SoDMA iyo guud ahaan hay’adaha dowladda, waxuuna ballanqaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee Soomaaliya u baahan tahay, si loo gaaro yoolka ah dhisidda bulsho adkaysi leh oo la tacaali karta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Ugu danbeyn , Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo ka hortagga musiibooyinka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Booliska Galmudug oo xaqiijiyay in dad loo soo qabtay dilkii loo geystay Hooyo iyo Caruurteeda

Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin,...

RW Xamsa oo ka Jawaabay Cabashada Shacabka ee qaadashada Kaarka NIRA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo...

NISA oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa la...

Maaraayaha Hay’adda NIRA oo ka jawaabay cabasho ka soo yeertay Shacabka

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles