Tuesday, March 31, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo xildhibaano uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatiguduud kusoo dhoweeyey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hore ugu sugnaa Magaaladda Baydhabo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu bogaadiyey isbedelka nabdoon ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Magaalada Baydhabo ku amaanay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen isbedelka dhacay, isagoo sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la qaadan doono odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana la dhisi doono maamul ku yimaada rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS aya warbaahinta kula hadlay garoonka baydhabo

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles