Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxa uu ka warbixiyey shuruucda hortaala kuwooda horutebinta leh, habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga uu horgeynayo kulanka guud ee golaha golaha.

Sidoo kale kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga dooday la xisaabtanka iyo
Korjoogeynta laanta fulinta iyo sidii guddi walba uu ula xisaabtami lahaa qeybaha uu korjoogteynta ku leeyahay.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga ayaa jadwaleyn ku sameeyey Ajendayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay dardargelinta shuruucda golaha hortaala kalfadhiga todobaad.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles