Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha baaxadda leh ee horyaalla Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa isla qiray in muhiim ay tahay in labada Aqal si wadajir ah uga shaqeeyaan shuruucda hortebinta u leh horumarka dowladnimada, iyadoo la xoojinayo doorka Baarlamaanka ee ku aaddan hoggaaminta hannaanka sharci dejinta dalka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira mooshin laga wado Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasoo sii adkaynaysa muhiimadda wada-tashiga iyo mideynta mowqifyada Baarlamaanka.
Waxaa la filayaa in shirarku sii socdaan toddobaadyada soo socda, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka.