Friday, January 30, 2026

Hamas oo wareejisay 3 maxaabiis iyo Israel oo iyaduna sii deysay 183 ruux

Kooxda Xamaas ayaa sii daysay saddex maxbuus oo ah kuwii ugu dambeeyay heerkii is-dhaafsiga ee ku xusnaa heshiis xabbad-joojinta oo soo afjarayey xasuuqii 15-kii bilood ee Israa’iil ka waday Gaza.

Xamaas ayaa sii deysay Ofer Kalderon oo heysta dhasha Faransiiska ,muwaadin Israa’iili ah iyo Keith Siegel oo heysta dhashada Maraykanka,kuwaas oo sii deyntooda ay ka dhacaday laba goobood oo kala ah Marinka Gaza ee Khan Younis iyo dhanka eoooyi ee go’doonsan.

Israel ayaa iyaduna dhankeeda sii deysay 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo in muddo ah ku jiray xabsiyada Israel,waxaana labada dhinac maxaabiista u kala wareejiyay saraakiisha Laanqeyrta Cas ee ku sugan magaalada Gaza  .

Is-dhaafsiga maxaabiista ayaa imaanaya xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan howlgallada militari ee ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xeryaha qaxootiga ee Jenin , Tulkarem iyo goobaha gabbaadka u ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Howlgalada Israel ee u dambeeyay waxaa lagu dilay in ka badan labaatan qof laga soo bilaabo todobaadkii hore.

Dhinaca kale,Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 Falastiiniyiin ah oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah loo ogolaan doono inay ka baxaan Qaza iyaga oo sii maraya marinka Rafah ee dhaca Masar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles