Golaha Deegaanka Magaalada Minneapolis ayaa soo saaray bayaan ay ku shaacinayaan haweeneydii geeriyootay magaceeda taaso oo ay ku sheegeen in lagu magacaabi jiray Renee Nicole Good, isla markaana ay ku cambaareeyeen falalka ay ICE ka sameysay magaalada.
“Renee waxay ka mid ahayd dadka deggan magaaladeenna oo saaka u baxday inay daryeesho deriskeeda, balse nolosheeda maanta soo gabagabeyay dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo saaray. “Qof kasta oo qof ku dilo magaaladeenna waa in la xiraa, la baaraa, lana maxkamadeeyaa si buuxda, iyadoo la raacayo sharciga.”
Goluhu waxa kale oo uu muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan bulshooyinka soo-galootiga ah ee ku nool magaalada, waxayna ku raaceen baaqii Duqa Magaalada Jacob Frey ee ahaa in wakiillada ICE ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.
“Minneapolis waa magaalo adkaysi leh, dib-na uma noqon doonto iyadoo dowladda federaalka ay sii kordhinayso weerarrada ay ku hayso bulshadeenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.


