Sunday, June 1, 2025

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

  • Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.
  • Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.
  • Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

SoDMA iyo FAO waxay sheegeen in:

  • Qaar badan oo ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland oo ka da’o roob ka hooseeya intii la filayey, iyadoo degmooyin qaar sida Dangoryo ay heleen oo kaliya 7% bar-tilmaameed roobabkii la filayay.
  • Deyrta aan hagaagsaneyn iyo Jiilaalka kulul ay sababi karaan biyo yari daran, dhulka oo qalala, iyo in dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda uu hoos u dhaco.
  • Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo barakac baahsan, cunto yari, iyo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ka dhasha abaarta.
  • Xaaladda la filayo inay dhacdo waa mid lagu tilmaamay inay la mid noqon karto abaarihii adag ee dhacay sannadihii 2017 iyo 2021.

Talooyinka SODMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SODMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

  • Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.

 

  • Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.

 

  • Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.
  • Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

FAO iyo SODMA ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles