Friday, April 3, 2026

Horjoogihii AS u qaabilsanaa deegaanka Abal ee Xudur iyo maleeshiyo kale oo la dilay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa habeenimadii xalay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Bakool iyo Baay, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay tuulada Abal, oo qiyaastii 21 km u jirta koofurta magaalada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa lagu khaarajiyay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofoow). Ninkan ayaa ahaa Amiirka kooxda Al-Shabaab ee saldhigga Abal, wuxuuna ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii argagixisada ee lagu dhibaateyn jiray shacabka gobolka Bakool.

Intii uu howlgalka socday, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay hub iyo dukumentiyo muhiim ah oo muujinaya qorshayaal ay kooxdaasi u diyaarineysay falal amni-darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ciidanku ka fuliyeen tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay, ayaa lagu dilay laba xubnood oo muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu kala magacaabo Yaxye (Abuu Khaalid) abaabulaha weerarrada argagixisada, iyo Shariif (Amiir) — kaas oo u dhintay dhaawacyo culus oo uu ku qaaday howlgalkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

390 Xildhibaan oo lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho

390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hidise sharciyeedyo baaqna ka soo saaray Colaada gobolka Awdal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wafdi culus oo hor u dhac ah u MW Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles