Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo War ka soo saartay colaadaha iyo dilalka ka socda qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay baaq nabadeed, iyadoo ku xuntay colaadaha, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo kamid ah dalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso falalka foosha xun ee sababaya iska hor-imaadka bulshada iyo kicinta colaadaha sokeeye, iyadoo ugu baaqday hay’adaha amniga in ay si degdeg ah ula xisaabtamaan kuwa ku lugta leh falalkaas amni-darrada ah.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday Dowlad-Goboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, iyo Waxgaradka deegaanada ay colaaduhu ka jiraan in ay si dhab ah uga qeybqaataan joojinta iyo daminta colaadaha, si dalka looga hirgeliyo xasillooni iyo nabad waarta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa adkeysay in nabaddu tahay furaha horumarka, isla markaana dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso dadaallada dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay Alle uga baryeysaa in uu u naxariisto dhammaan dadkii ku geeriyooday colaadaha, dhaawacyadana uu caafimaad degdeg ah siiyo, iyadoo ku boorisay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ilaalinta midnimada, nabadda iyo walaaltinimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles