IGAD oo DFS Iyo Mucaaradka Ku Cadaadisey inay heshiis gaaraan

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la sii wado wadahadallada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamadii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xoghaynta IGAD oo xarunteedu tahay magaalada Djibouti ayaa lagu sheegay in ururku uu si dhow ula socday wadatashiyadii dhacay intii u dhexeysay 13 illaa 15-ka May 2026.

IGAD ayaa soo dhaweysay wada-hadallada tooska ah ee dhex maray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, waxayna ku boorrisay inay sii wadaan wada-xaajoodyada si xal looga gaaro arrimaha weli taagan, iyadoo loo marayo hannaan dhisaya kalsooni iyo wadajir.

Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadahadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta dowlad-dhiska, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan xalal mideynaya shacabka, kor u qaadaya kalsoonida bulshada, isla markaana ilaalinaya mustaqbalka fog ee xasilloonida iyo horumarka hay’adaha dowladda.

IGAD waxay sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayaan ee lagu xaqiijinayo dowlad loo dhan yahay, nabad waarta iyo mustaqbal ammaan ah oo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles