Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in waddanku uu isticmaali doono dhammaan awooddiisa ciidan ee uu xaqa u leeyahay inuu is difaaco.
War qoraal ah ayaa lagu sheegay in Araghchi uu taleefoon kula xiriiray dhiggiisa dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar, Kuwait, Baxreyn iyo Ciraaq, isagoo u sheegay in Iran ay adeegsan doonto “dhammaan awoodaheeda difaac iyo mid militari oo hoos imaanaya xuquuqda sharciga ah ee is-difaaca” si loo ilaaliyo sharafta Iran.
Araghchi wuxuu sidoo kale “xusuusinayaa” waddamadan “mas’uuliyadda ka saaran inay ka hortagaan si xun u isticmaalka xarumahooda iyo dhulalkooda” ee Maraykanka iyo Israa’iil si ay u weeraraan, sida lagu sheegay bayaanka.


