Ilhaan Cumar oo si adag ugu jawaabtay hadaladii xanafta lahaa ee Trump ka soo yeeray

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa si kulul uga jawaabtay weerarradii afka ahaa ee Donald Trump uu dhowaan ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, iyada oo sheegtay in hadallada Trump ay yihiin kuwo uu ku qarinayo guuldarrooyinka siyaasadeed iyo fashilka maamulkiisa.

Ilhaan Cumar, oo wareysi gaar ah bixisay, ayaa tiri Trump “wuu ku qafiifay” islamarkaana uu bilowday inuu si gaar ah u weeraro Soomaalida iyo iyada oo qof ahaan, si uu uga mashquuliyo dadweynaha arrimaha culus ee uu wajahayo.

Waxay sheegtay in beegsigaas “aan lagu cabsi gelin karin,” ayna mar walba u taagan yihiin difaaca bulshada ay metasho.

Xildhibaanadda ayaa xustay in aanay la yaab lahayn in Trump uu beegsado bulshooyinka laga tirada badan yahay, iyadoo tilmaantay in Donald Trump uu muddo dheer bartilmaameed u ahaa dadka madowga ah, soo galootiga iyo Muslimiinta.

Waxay ku celisay hadalladii hore ee Trump uu ku aflagaadeeyay qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ballanqaadkiisii ahaa inuu mamnuuci doono socdaalka Muslimiinta.

“Weerarka uu ku qaaday bulshada Soomaaliyeed wax cusub ma aha, mana na cabsi gelin doonaan. Annagu halkan ayaan joognaa, halkan ayaanna joognaan doonaa,” ayay tiri Ilhaan Cumar, iyadoo caddeysay in Soomaalida Mareykanka ay yihiin muwaadiniin sharci ah oo qayb ka ah dhismaha dalka.

Donald Trump ayaa dhowr jeer si cad u weeraray Ilhaan Cumar iyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo eedeymo joogto ah u jeediyay xubnihii hore ee Koongareeska ee ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ah.

Hadalladaas ayaa markale kiciyay dood ku saabsan cunsuriyadda iyo beegsiga bulshooyinka migrant-ka ah ee Mareykanka.

Xildhibaannada iyo bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa si weyn u taageeray Ilhaan Cumar, iyagoo ku tilmaamay cod muhiim u ah difaaca xuquuqda Soomaalida iyo Muslimiinta guud ahaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles