Saturday, March 14, 2026

Imaaraadka Carabta oo xirtay dad lagu eedeeyay inay duubeen weerarada Iran

Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixisay in la xiro 10 qof oo lagu eedeeyay inay faafiyeen muuqaallo muujinaya nidaamyada difaaca cirka ee dalka oo ka hortagaya weerarro cirka ah, iyo sidoo kale muuqaallo been abuur ah oo muujinaya qaraxyo iyo duqeymo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Imaaraadka.

Sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay, dadkaas ayaa daabacay muuqaallo dhab ah oo la xiriira weerarrada, iyo sidoo kale muuqaallo iyo sawirro kale oo lagu sameeyay Garaadka macmalka ah (AI) oo lagu baahiyay bogag iyo baraha internetka ee gudaha Imaaraadka. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in loo gudbiyay “maxkamad degdeg ah”.

Dhanka kale, booliska Abu Dhabi ayaa sheegay inay xireen 45 qof oo “jinsiyado kala duwan leh” kadib markii lagu eedeeyay inay duubeen muuqaallo islamarkaana “faafiyeen macluumaad khaldan” intii lagu jiray weerarrada lagu qaaday dalka.

Arrintan ayaa timid kadib markii toddobaadkii hore nin 60 jir ah oo u dhashay Ingiriiska lagu soo oogay dacwad ku saleysan sharciyada dambiyada internetka ee Dubai, kadib markii lagu eedeeyay inuu duubay gantaallo Iiraani ah oo dul maraya magaalada.

Radha Stirling, oo ah madaxa fulinta ee ururka Detained in Dubai, ayaa sheegtay in 21 qof lagu soo oogay dacwado ku saleysan sharciyada dambiyada internetka ee Imaaraadka, kuwaas oo la xiriira “muuqaallo iyo qoraallo baraha bulshada lagu daabacay oo ku saabsan weerarradii gantaallada ee dhowaan dhacay”.

Sawirro muujinaya jajabyo ka dhashay gantaallo oo ku dhacay dhisme dhaadheer oo la deggan yahay, hoteel qaali ah iyo garoonka diyaaradaha ee Dubai ayaa si weyn ugu faafay internetka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa NISA

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa fulisay xukunka dilka toogashada...

Ciidamo ka soo horjeeda Lafta Gareen oo dagaal kula wareegay Qansax-dheere

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada...

Soomaaliya oo garab u muujisay Qatar kadib markii la weeraray

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka...

Duqeyn ka dhacday Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad...

Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo hakiyay dhoofinta shidaalka Khaliijka

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles