Sunday, March 1, 2026

In ka badan 70,000 oo lagu dilay Gaza”

In ka badan 70,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo intii uu billowday ololaha militariga Israa’iil ee Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Dhimashada ayaa sii kordheysa tan iyo markii ay dhaqan gashay xabbad joojinta 10kii Oktoobar, iyadoo Israa’iil ay qaadday duqeymo cirka ah oo ay ku sheegtay in ay Xamaas ku xad-gudbeen xabbad joojinta – iyadoo weli meydadka laga soo saarayo burburka hoostiisa.

Dadka la sheegay in lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa labo wiil oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Fadi iyo Juma Abu Assi, kuwaasi oo qoyskooda ay sheegeen in markii la dilayay ay xaabo guranayeen.

Ciidamada difaaca Israa’iil ee magacooda loo soo gaabiyo (IDF) ayaa BBC-da u sheegay in ay dileen labo tuhmane oo ka soo gudbay waxa loogu yeero khadka jaallaha ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles