Iran iyo Maraykanka oo sheegay ‘in ay dib u bilaabayaan wadahadalada

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan dowladda Pakistan, sheegtay in Mareykanka iyo Iiraan ay ka jawaabeen soo-jeedin wadajir ah oo ka timid Islamabad iyo Doha oo ku saabsan soo afjaridda dagaalka.

Iyagoon bixin faahfaahin ku saabsan jawaabaha ka yimid Tehran iyo Washington, ilahaas ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen wadahadal iyo diblomaasiyad lagu soo afjarayo colaadda, isla markaana dib loogu noqonayo miiska wadahadalka.

Mas’uul xog-ogaal ah ayaa u sharraxay Wakaaladda Anadolu in Pakistan iyo Qatar ay maalmihii la soo dhaafay u gudbiyeen Iiraan iyo Mareykanka qorshe wadajir ah oo lagu yareynayo xiisadda; qorshahaas oo soo jeedinaya in labada dhinac, iyagoo qaadaya “tallaabada ugu horreysa,” ay ku soo laabtaan xaaladdii ka horreysay markii uu dagaalku dib u qarxay 17 maalmood ka hor, ayna dib u billaabaan wadahadallada.

Weerarradii Mareykanka iyo jawaabtii Iiraan ee ku aaddanayd ayaa istaagay laba maalmood ka hor.

Dhowr warbaahinta Mareykanka ah ayaa soo weriyay in Donald Trump uu go’aansaday inuusan sii xoojin doonin weerarrada milateri ee ka dhanka ah Iiraan—ugu yaraan xilligan—iyadoo dhanka kalena milateriga Iiraan ay xaqiijiyeen in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay joojiyeen weerarradooda, maadaama istiraatiijiyadda Iiraan ee xilligan dagaalka ay ahayd mid ku salaysan “aargoosi.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles