Friday, March 27, 2026

Iran oo hor istaagtay Saddex Markab ee ka gudbi lahaa marinka Hormuz

Ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay dib u celiyen saddex markab oo la sheegay inay “isku dayayeen inay maraan marin-biyoodka Hormuz” subaxnimadii Jimcaha, 27-ka Maarso.

War-saxaafadeed kasoo baxay xiriirka dadweynaha ee IRGC ayaa lagu yiri: “Saddex markab oo xamuul ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa isku dayay inay u dhaqaaqaan marinka loo qoondeeyay maraakiibta la oggol yahay.

Waxaa dib loo celiyay kadib markii ciidamada badda ee IRGC ay u direen digniin.”

Waxaa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedka in “Marin-biyoodka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana isku day kasta oo lagu gudbo lagu wajihi doono jawaab adag.”

Waxaa kale oo intaasi lagu daray: “Socodka markab kasta oo u kala goosha dekedaha ay leeyihiin xulafada iyo taageerayaasha Maraykanka iyo Israa’iil, kuna socda meel kasta iyo marin kasta, waa mamnuuc.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa laba maalmood ka hor telefishinka dowladda ka sheegay in Iran ay oggolaatay codsiyo maritaan oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Pakistan, Ciraaq iyo Hindiya.

WARARKII KALE

Fanaan hore oo heesaha raabka oo ra’iisul wasaare loo dhaariyay

Fanaan hore oo heesaha raabka oo isku beddelay siyaasi...

Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Dhulka Taliyaaniga iyo Afrika oo ka qabsoomay magaalada Rooma

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal...

Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay iney xirayaan Marinno muhiim u ah Badda Cas

Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ee Yemen oo la safan Iran, kuwaas...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag ugu hadlay xariga Taliye Shub iyo eedeyn uu u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal...

Koofur galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada ee Baarlamaanka

Guddiga Madax-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Koonfur Galbeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles