Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay iney xirayaan Marinno muhiim u ah Badda Cas

Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ee Yemen oo la safan Iran, kuwaas oo weerarradoodii Badda Cas ay sababeen jahawareer weyn oo ku yimid maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah intii uu socday dagaalka Qasa, ayaa hadda sheegay inay mar kale diyaar u yihiin inay beegsadaan marin-biyoodka muhiimka ah, iyagoo muujinaya taageeradooda Tehran, sida uu hoggaamiye Xuuti ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tallaabadan waxay sii xumeyn kartaa qalalaasaha shidaalka iyo dhaqaalaha adduunka ee uu sababay dagaalka Bariga Dhexe.

Haddii Xuutiyiintu furaan jiho cusub oo dagaalka ah, bartilmaameed cad wuxuu noqon karaa marin-biyoodka Bab al-Mandab ee ka baxsan xeebaha Yemen, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta isla markaana xakameeya isu-socodka badda ee ku wajahan Kanaalka Suweys, kadib markii Iran si wax ku ool ah u xirtay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Kooxahaan xulufada la ah Iran ee Lubnaan iyo Ciraaq ayaa horey ugu biiray dagaalka gobolka, kaas oo ka dhashay weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Tehran.

Hase yeeshee, fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, oo si culus u hubeysan isla markaana awood u leh inay beegsadaan dalalka Khaliijka iyo inay carqaladeeyaan maraakiibta ku wareegsan Jasiiradda Carabta, weli si rasmi ah uguma biirin dagaalka.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles