Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama Yemen ayaa Isniintii sheegay in militariga ay hawada ku qabteen gantaallo ballistic ah oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ku soo ridday gobolka koonfureed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa hore u shaaciyay in Garoonka Caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday dhowr duqeyn oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sacuudiga.

Dowladda Yemen ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan kuna degaan ee garoonka Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Sareeye Guuto Yahya Saree, ayaa sheegay in duqeymaha Sacuudigu ay beegsadeen Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi inuu yahay “gardarro cad oo aan caddaalad ahayn.”

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen, kaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Saba, ayaa lagu sheegay in “maleeshiyaadka Xuutiyiinta, oo ay dowladda Yemen ku tilmaamtay argagixiso isla markaana ay sheegtay inay taageerto dowladda Iran, ay ka hor istaageen diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Sanca.”

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles