Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama Yemen ayaa Isniintii sheegay in militariga ay hawada ku qabteen gantaallo ballistic ah oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ku soo ridday gobolka koonfureed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa hore u shaaciyay in Garoonka Caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday dhowr duqeyn oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sacuudiga.

Dowladda Yemen ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan kuna degaan ee garoonka Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Sareeye Guuto Yahya Saree, ayaa sheegay in duqeymaha Sacuudigu ay beegsadeen Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi inuu yahay “gardarro cad oo aan caddaalad ahayn.”

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen, kaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Saba, ayaa lagu sheegay in “maleeshiyaadka Xuutiyiinta, oo ay dowladda Yemen ku tilmaamtay argagixiso isla markaana ay sheegtay inay taageerto dowladda Iran, ay ka hor istaageen diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Sanca.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles