Saturday, February 28, 2026

Israa’iil oo dishay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah

Milateriga Israa’iil ayaa dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan kadib weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, inkastoo xabbad joojin laga gaaray dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah.

Waxa ay ku tilmaantay Haitham Cali al-Tabtabai, madaxa shaqaalaha ee Hezbollah, inuu yahay ruug-cadaa kooxda oo soo qabtay jagooyin sarsare oo xirriir ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen 28 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka oo ku dhacay dhismo dabaq ah oo ku yaalla degmada Dahieh oo ay dadku ku badan yihiin.

Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida Tabtabai, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil ay ka gudubtay “khadka cas” markii ay duqeynta fulisay.

Duqeynta ayaa ah tii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka geysato koonfurta Beirut muddo bilo ah.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Israa’iil ay kordhisay ololaheeda ka dhanka ah dadka iyo bartilmaameedyada ay ku sheegtay inay xiriir la leeyihiin Xisbullah – oo ah koox Muslim Shiico ah oo ay taageerto Iran – inkastoo xabbad joojin ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Faransiiska uu dhaqan galay bishii November ee la soo dhaafay.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Xisbullah ay isku dayday inay dib u dhisto awooddeeda ciidan, isla markaana ay hub sharci darro ah soo gelisay Lubnaan, isla markaana ay sare u qaadayso soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax qarxiya, waxaana jirta cabsi isa soo taraysa oo laga qabo inuu dagaalka xoogeysto.

Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay cadaadis ku saaraan Israa’iil – oo weli haysata ugu yaraan shan goobood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan – si ay u joojiyaan weerarrada iyo inay ka baxaan dalkaas, isagoo sheegay in ficillada Israa’iil ay xadgudub ku yihiin heshiiskii lagu soo afjaray 13 bilood oo colaad ah.

Dowladda Lubnaan ayaa wacad ku martay inay hubka ka dhigi doonto ururka Xisbullah, balse kooxda ayaa ku gacan seyrtay baaqyo ah in laga hadlo mustaqbalka hubkeeda, ka hor inta aysan Israa’iil joojin weeraradeeda, si buuxdana uga bixin Lubnaan, ayna sii deyn maxaabiis u dhalatay Lubnaan.

Sarkaal ka tirsan diblomaasiyiinta reer galbeedka oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in maamulka uu cadaadis kala kulmayo maamulka Trump oo sii kordhaya dulqaad la’aanta waxa ay u arkaan horumarka gaabis ah ee ka dhanka ah kooxdan oo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Khilaafkii ugu dambeeyay ee u dhexeeya Israel iyo Xisbullah ayaa qarxay ka dib markii kooxda Lubnaan ay bilaabeen inay gantaalo ku garaacaan goobaha Israel maalin kadib weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.

Xisbullah ayaa sheegtay inay u dhaqmayso si wadajir ah Falastiiniyiinta Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles