Sunday, December 28, 2025

Israa’iil oo duqeysay fariisimaha ciidamada Suuriya ee koonfurta Xalab

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa habeenkii Khamiista lala beegsaday fariisimo ciidamada Suuriya ay ku leeyihiin koonfurta Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya, halka dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa “ugu yaraan todobo qarax oo waaweyn oo ka dhashay ciidamada cirka ee Israa’iil oo beegsaday shaybaadhada difaaca ee deegaanka Al-Safira ee koonfurta Xalab iyo cilmi-baadhisyo cilmiyeed,” kuwaas oo ah goobo ay leeyihiin ciidamada Suuriya oo laga marki xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday saldhigyada militariga Suuriya kadib markii kooxo hubaysan oo ay hogaaminayso Hayat Tahrir al-Sham ay xukunka ka tuureen Assad 8-dii December.

Israa’iil ayaa qiil uga dhigtay duullaankaas iyadoo sheegtay inay doonayso inay ka hortagto in xarumahan iyo hubkaba ay ku dhacaan gacmaha cadawga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles