Israa’iil oo weerar ku dishay dad Falastiiniyiin ah iyo Xamaas oo ka hadashay

Difaaca Rayidka ee Qasa ayaa ku dhawaaqay in shan Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qasa.

Afhayeenka hay’addaas, Maxamuud Bassal, ayaa u xaqiijiyay AFP in “shan qof oo rayid ah, oo labo carruur ah ku jiraan, la dilay, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa dhaawacoodu culusyahay, sababo la xiriira gantaallo badan oo Israa’iil ku garaacday xero barakacayaal oo ku taal aagga Mawasi Khan Younis ee ku dhow Isbitaal” ku yaalla koonfurta Qasa.

Xamaas ayaa duqeynta Israa’iil ku tilmaantay “dambi dagaal oo cad, iyo ku xadgudub heshiiska xabbad-joojinta, iyo isku day lagu doonayo in lagaga baxsado waajibaadkeeda ka saran heshiiska.”

Dhankooda, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay weerar ka fuliyeen Khan Younis kadib markii askartooda lagu weeraray halkaas.

Waxay intaas ku dareen in duqeyntu bartilmaameedsaden xubno ka tirsan Xamaas,” iyaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Waxay xaqiijiyeen in weerarku uu aargudasho u ahaa weerar hore oo ciidamadooda looga qaaday Rafax Arbacadii, kaas oo dhaawacay shan askari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles