Israa’iil oo weerar ku dishay dad Falastiiniyiin ah iyo Xamaas oo ka hadashay

Difaaca Rayidka ee Qasa ayaa ku dhawaaqay in shan Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Khan Younis ee koonfurta Marinka Qasa.

Afhayeenka hay’addaas, Maxamuud Bassal, ayaa u xaqiijiyay AFP in “shan qof oo rayid ah, oo labo carruur ah ku jiraan, la dilay, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa dhaawacoodu culusyahay, sababo la xiriira gantaallo badan oo Israa’iil ku garaacday xero barakacayaal oo ku taal aagga Mawasi Khan Younis ee ku dhow Isbitaal” ku yaalla koonfurta Qasa.

Xamaas ayaa duqeynta Israa’iil ku tilmaantay “dambi dagaal oo cad, iyo ku xadgudub heshiiska xabbad-joojinta, iyo isku day lagu doonayo in lagaga baxsado waajibaadkeeda ka saran heshiiska.”

Dhankooda, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay weerar ka fuliyeen Khan Younis kadib markii askartooda lagu weeraray halkaas.

Waxay intaas ku dareen in duqeyntu bartilmaameedsaden xubno ka tirsan Xamaas,” iyaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Waxay xaqiijiyeen in weerarku uu aargudasho u ahaa weerar hore oo ciidamadooda looga qaaday Rafax Arbacadii, kaas oo dhaawacay shan askari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles