Friday, August 14, 2026

Israa’iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo booliska Gaza ka tirsanaa

Israa’iil ayaa waxay xaqiijisay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska magaalada Gaza.

Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay, in Jamal Abu Kamil uu ahaa taliye ka tirsan Xamaas oo ku lug lahaa weerarradii 7-dii Oktoobar dgacay.

Dhimashadiisa waxaa hore u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza, oo sheegtay in gaarigiisa lala beegsaday weerar cirka ah.

Wasaaradda, oo ay maamusho Xamaas, waxay Israa’iil ku eedaysay inay isku dayayso inay Gaza ka abuurto fowdo iyo qalalaase hor leh.

IDF ayaa sheegtay inay dishay sarkaalkan oo ay ku tilmaamtay inuu yahay “argagixiso” inuu qorsheeyay oo fuliyay weerarro argagixiso.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Golaha Nabadda uu gaaray heshiis ku saabsan hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubaysan ee ku sugan Marinka Qasa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da in dhaqdhaqaaqu uu aqbalay qorshaha Golaha Nabadda ee dhigaya in Qasa gabi ahaanba hubka laga dhigo, isla markaana war rasmi ah dhawaan la soo saari doono.

Dhanka Israa’iil weli wax jawaab ama faallo rasmi ah kama soo bixin.

Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay ka bixi doonto Marinka Qasa marka hub ka dhigistu si buuxda u dhammaato, isagoo heshiiska ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo horseedaysa in ugu dambayn Qasa ay maamusho dowlad cusub oo Falastiini ah.”

WARARKII KALE

Xasan Sheekh“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda...

Puntland oo DF ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda...

Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Jeddah kula kulmay taliyaha CENTCOM

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman, ayaa Khamiistii magaalada...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles