Friday, April 10, 2026

Israel Oo 21 Falastiiniyiin Ah Ku Dishay Xerooyin Qaxooti Ay Duqeeyeen

Ciidamada Isra’il oo sii wada duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka wadaan Gaza, ayaa Khamiisti shalay madaafiic ku garaacay xerooyinka taariikhiga ah ee bartamaha Marinka Gaza, iyo xaafado ka tirsan dhinaca waqooyi, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah.

Duqeymaha xooggooda ayaa lagu soo warramay in lagu bartilmaameedsaday xeryaha Zawayda, Bureij iyo Nuseirat iyo magaalada aadka u zaxmada badan ee Deyral-balax. Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay halkaasi.

Deyral Balax ayaa ah degmada kaliyah ee Gaza ee aysan wali si toos ah uga dhex dagaallamin ciidamada Isra’il, tan iyo marki uu billowday duullaankeeda Gaza horraanti bishii October.

War kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in madaafiicdi ay ku garaaceen magaalada Gaza shalay ay ku dileen laba abaanduule oo ka tirsan Islamic Jihad. Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sheegaym, in 5 qof lagu dilay laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen halkaasi. Dhanka kale, ra’isluwasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu, ayaa si kedis ah Khamisti shalay ku tagay Gaza halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada Isra’il. Wuxuu u sheegay askarta, in cadaadiska millatari uu soo dedejinayo soo guryo-celinta laheystayaasha Isra’il ee Gaza.

Socdaalka uu ku tagay Gaza ayaa imaanaya xilli uu Natanyahu lagu wado inuu booqasho ku yimaado magaaladan Washington D.C, oo uu doonayo inuu khudbad u jeediyo koongareeska Mareykanka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

Mucaaradka oo dib u dhigay shirkii ay ku balansanaayeen

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo...

Xisbullaah oo sheegtay in ay weerareen askar ka tirsan Israa’iil

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles