Thursday, July 10, 2025

Israel oo sheegtay in ay ka hortagtay weerar lagu qaaday garoonka Ben Gurion

Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay maanta oo Jimco ah in ay gantaalada ridada dheer ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee bartamaha Israel maalin kaddib markii la duqeeyay garoonka diyaaradaha Sanca.

Afhayeen militeri oo u hadlay kooxda Ansar Allah, Yaxya Saree ayaa sheegay in gantaalka uu gaarsiiyay dhaawac iyo in la joojiyo howlaha garoonka.

Saree wuxuu sheegay in ay qaadeen weerar kale oo lagu beegsaday wax uu ku tilmaamay goobo muhiim ah oo Israel ka tirsan.

Kooxda waxay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen Markab marayay bariga jasiirada Socotra iyagoo ku weerary drones. Sida laga soo xigtay Saree, “shirkadda iska leh markabka ayaa jabisay go’aanka lagu mamnuucayay in lagu galo dakadaha Israel”.

Xala waqti dambe ayey ciidamada Israel sheegeen in ay ka hortageen gantaan kaga yimid Yemen ka hor inta uusan soo gelin hawadooda.

Militeriga Israel ayaa hore u weeraray garoonka diyaaradaha Sanca iyo sidoo kale xarun militeri oo ku taal dekadda Xudeyda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles