Tuesday, August 11, 2026

Israel oo sheegtay in ay ka hortagtay weerar lagu qaaday garoonka Ben Gurion

Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay maanta oo Jimco ah in ay gantaalada ridada dheer ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee bartamaha Israel maalin kaddib markii la duqeeyay garoonka diyaaradaha Sanca.

Afhayeen militeri oo u hadlay kooxda Ansar Allah, Yaxya Saree ayaa sheegay in gantaalka uu gaarsiiyay dhaawac iyo in la joojiyo howlaha garoonka.

Saree wuxuu sheegay in ay qaadeen weerar kale oo lagu beegsaday wax uu ku tilmaamay goobo muhiim ah oo Israel ka tirsan.

Kooxda waxay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen Markab marayay bariga jasiirada Socotra iyagoo ku weerary drones. Sida laga soo xigtay Saree, “shirkadda iska leh markabka ayaa jabisay go’aanka lagu mamnuucayay in lagu galo dakadaha Israel”.

Xala waqti dambe ayey ciidamada Israel sheegeen in ay ka hortageen gantaan kaga yimid Yemen ka hor inta uusan soo gelin hawadooda.

Militeriga Israel ayaa hore u weeraray garoonka diyaaradaha Sanca iyo sidoo kale xarun militeri oo ku taal dekadda Xudeyda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles