Saturday, June 14, 2025

Israel oo xirtay dad u dabbaaldegayey sii deynta maxaabiista Falastiin

Booliiska Israa’iil ayaa xiray 12 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa bariga Quddus ee la haysto, kaddib markii ay u dabaaldegeen sii deynta 110 maxbuus oo Falastiini ah.

Xarigga dadkaasi ayaa imaanaya xilli ciidamada Israel ay laba qof ku dileen xerada qaxootiga ee Jenin,iyadoo horay Israel ay u dileen 10 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Magaalada Tammum oo dhacda dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Xarigga iyo dilalka qorsheysan ee lgu hayo dadka reer Falastiin ayaa ka hor-imaanaya heshiiskii xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israel iyo Xamaas,kaas oo khuseeyay Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in howlahooda ay ka sii socon doonaan Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto, inkastoo Israa’iil ay bilawday mamnuucidda shaqada hey’addaasi.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 47,460 falastiiniyiin ah,halka tirade dhaawacana lagu sheegay111,580 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles