Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa shaacisay in ay xirtay 138 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso iyo kuwo xagjir ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal amni darro oo lagu carqaladeynayo doorashooyinka guud ee 7-aad ee dalka.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku howlanaayeen abaabulka iyo taageerada kooxo hubeysan, isla markaana ay damacsanaayeen inay qalalaase ka abuuraan dalka, si gaar ahna u saameeyaan geeddi-socodka doorashooyinka.
Howlgallada lagu soo qabtay eedeysanayaashan ayaa la sheegay inay socdeen tan iyo 9-kii Abriil 2018 (taariikhda Itoobiya), iyadoo iskaashi buuxa ay sameeyeen ciidamada federaalka iyo kuwa heer gobol. Dadkan ayaa laga soo qabtay meelo kala duwan oo dalka ah, waxaana lagu hayaa kormeer amni oo adag.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in eedeysanayaashu ay qorsheynayeen weerarro iyo rabshado ka dhaca magaalooyin waaweyn, oo ay ku jirto caasimadda Addis Ababa, iyagoo dhisay shabakadyo qarsoodi ah oo lagu gudbinayay xog, laguna abaabulayay falal amni darro.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in kooxahan ay uruurinayeen agabyo ay ka mid yihiin lacag, hub, qalab ciidan, raadiyayaal iyo kaarar SIM, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta howlaha argagixiso iyo carqaladeynta doorashooyinka.
Xogta la helay ayaa muujisay in qaar ka mid ah dadka la xiray ay tababar ku soo qaateen gudaha Soomaaliya, iyagoo xiriir la lahaa kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo IS, isla markaana ay ku lug lahaayeen qorista xubno cusub iyo fududeynta falalka amni darro.
Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tahriibinta hub sharci darro ah, ganacsi qarsoodi ah iyo tahriibinta dadka, taasoo la sheegay inay qeyb ka tahay qorshe lagu wiiqayo ammaanka iyo dhaqaalaha dalka.
Howlgallada ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub, walxaha qarxa, rasaas, lacag qalaad iyo agab kale oo la sheegay in loo waday kooxaha xagjirka ah.
Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa ugu dambeyn sheegtay in dhammaan dadka la qabtay loo gudbiyay hay’adaha sharciga, isla markaana ay sii xoojinayaan dadaallada lagu burburinayo shabakadaha argagixisada, iyadoo shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka.


