Tuesday, February 3, 2026

Jubaland oo si adag uga Jawaabtay Diyaaraddii laga celiyay Muqdisho

Dowladda Jubaland ayaa si kulul uga jawaabtay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maanta ka celisay diyaaraddii waday wafdigeeda hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), xilli ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu tilmaamay tallaabadan mid xilkasnimo-darro ah, isla markaana halis weyn ku gashay nolosha wafdiga iyo ciidamadii ilaallada u ahaa. Diyaaraddu markii ay ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si lama filaan ah loo faray inay dib ugu laabato Kismaayo, iyadoo aan la hubin in shidaal ku filan lagu soo laaban karo, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo cadownimo.

Sidoo kale, diyaarado rayid ah oo kale ayaa maanta laga celiyay Garoonka Muqdisho, taas oo sii muujinaysa qalalaasaha iyo halista ka dhalanaysa tallaabooyinka Dowladda Federaalka. Jubaland ayaa ku eedeysay dowladda in ay ka go’an tahay baajinta shirka Wadatashiga ee Muqdisho, isla markaana aysan u muuqan kuwo niyad-sami leh ama diyaar u ah in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.

Jubaland ayaa caddeysay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay guddiyada wadajirka ah ka gaareen arrimaha martida ama tirada ilaalada, sidoo kalena wararka sheegaya in heshiis la gaaray ay yihiin been-abuur.

Bayaan-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jubaland ay sii wadi doonto dadaallada ku aaddan helidda xal waara oo siyaasadeed iyo qabsoomidda shirka Wadatashiga, hase yeeshee ficillada Dowladda Federaalka ay abuureen xaalado amni oo halis ah iyo su’aalo la xiriira kalsoonida dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 2 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo aqbashay in Deni iyo Axmed Madoobe ay hub la yimaadaan Muqidsho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Kulanka BFS oo fashil ku soo dhammaaday kadib buuq hareeyay

Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa ugu dambeyn...

Khalalaase ka taagan BFS iyo Booliska oo Gacan qaad ku sameeyay Xildhibaanada

Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan...

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood adag ka yeelanaya arrimaha Dastuurka oo muran ka taagan

Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu...

Axmed Madoobe oo dib xorriyadiisa u siiyay Sanoter Gaboose

Madaxweynaha Jubaland Axmed Naxaned Islaam (Madoobe) ayaa xorriyadiisa siiyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles