Tuesday, June 30, 2026

Puntland oo Ka Hadashay Ciidamadii Laga Celiyay Muqdisho

Maamulka Puntland ayaa war rasmi ah kasoo saartay arrinta la xiriirta ciidamadii ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Puntland ee hawada laga celiyay, xilli ay ku soo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay halis gelisay nolosha saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha, kuwaas oo horudhac u ahaa safarkiisa Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka siyaasadeed ee lagu balansanaa.

Puntland ayaa sheegtay in tallaabada lagu celiyay diyaaradihii waday ciidamadeeda ay tahay mid aan la aqbali karin, isla markaana muujinaysa kalsooni darro iyo caqabad ku ah wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, Puntland waxay caddeysay in ay iyada iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay hore u aqbaleen ka qeybgalka gogosha wadatashiga ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka, balse Madaxweynaha Soomaaliya uu qaaday tallaabooyin carqaladeynaya hirgelinta shirkaasi.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in arrintan ay dhacday kadib markii guddiyada farsamada ee Golaha Mustaqbalka iyo kuwa dowladda federaalka ay isla meel dhigeen hanaanka shirka.

Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn baaq u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyada oo ka codsatay in aan la aqbalin, sida ay sheegtay, hab-dhaqanka ay Dowladda Federaalka ku kala fogeynayso wadajirka, midnimada, iyo wada-tashiga dalka.

Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya eedeymaha Puntland, balse arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda, xilli ay soconayaan wadahadallo xasaasi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wadahadallada farsamo ee Iran iyo Maraykanku oo ka dhici doona Doha maalmaha soo socda

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wadahadallada Iiraan...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles