Maamul goboleedka Jubaland ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay dagaalka dhawaan ka dhacay magaala xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubada hoose.
Maamulka ayaa sheegay in ay dib gacanta u dhigeen deegaanka Kudhaa oo ilaa shalay dagaal ka socday kaas oo u dhexeeyay ciidamada Jubabaland iyo Alshabaab.
Hase yeeshee waxuu maamulka Jubaland sheegay in dagaalkaasi sababay xaalad bini’aadantimo oo daran oo ay wajahaayaan dadkii deegaanka ku noolaa.
Wasiirka arrimaha Bini’aadantimada iyo maaraynta Musiibooyinka ee Jubaland Abdirahman Mohamed Dhiriq ayaa sheegay in dagaalka uu xaaladda uga si daray.
Sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dawladda Jubaland ayaa war kasoo saartay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaan xeebeedka Kudhaa oo 130 km u jira magaalada Kismaayo, halkaas oo ay weerareen Alshabaab.
Ku dhawaad ​​, oo qoys ayaa si ba’an waxaa u saameeyay duulaankii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen maleeshiyaadka, oo ay ku barakaceen , oo qof ilaa iyo hadda, waxaana aad uga walaacsanahay xaaladda cakiran ee soo wajahday bulshada oo ay ka mid tahay biyo la’aan daran, adeegyo caafimaad oo muhiim ah iyo sahay cunto oo ku filan.


