Tuesday, August 11, 2026

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal sirdoon ku saleysnaa oo ay fuliyeen Ciidamada Gaarka ah ee Kenya (SOG), kuwaas oo taageero ka helayay diyaarado, sida lagu sheegay warbixin amni.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xero ku meel gaar ah oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 30 xubnood oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah tuulo ku taalla degmada Mandheera ee xuduudda Kenya.

Sida warbixintu sheegtay, 11 ka mid ah maleeshiyaadka ayaa lagu dilay howlgalka, halka toddobo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus. Intii ka hartay kooxda ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka gudaha Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka helay saddex qori oo nooca PKM ah iyo ku dhawaad 409 xabbo oo rasaas ah, kuwaas oo ay kooxda adeegsaneysay.

Sidoo kale, waxaa la qabtay rasiidhyo la sheegay in Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay uruurinta waxa ay ugu yeerto canshuurta diimeed. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in dukumiintiyadan ay muujinayaan nidaam abaabulan oo kooxda ay ku maamusho canshuur uruurinta iyo isbaarooyinka deegaannada ay ka arrimiso.

Saraakiisha ammaanka ayaa xusay in dukumiintiyada la helay ay gacan ka geysan karaan fahamka hababka ay Al-Shabaab ku maalgeliso howlaheeda, u qorsheysato weerarrada, isla markaana u maamusho shabakaddeeda dhaqaale ee ka gudubta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles