Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli lagu waday in lagu qabto fadhi lagu falanqeynayo wax ka beddelka Dastuurka.
Xildhibaano diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay aqalka Baarlamaanka, inkastoo 18 xildhibaan oo shalay ganaax la saaray ay maanta qaar ku sugan yihiin, halka kuwa kale ay ka maqan yihiin.
Arrintan ayaa sii hurisay xiisadda iyo khilaafka ka dhex taagan Golaha.
Kulanka Baarlamaanka ayaa ku billowday buuq, sawaxan iyo is-riix-riix, iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkay gudaha xarunta Villa Hargeysa, si ay u sugaan amniga.
Xildhibaano iyo askar ayaa isku hor istaageen qabsoomidda kulanka, taasoo sababtay in fadhigii si caadi ah u furmi waayo.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ciidanka booliska ay gacan qaad ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, taasoo dhalisay caro iyo cabasho.
Xildhibaan Cadar Xareed ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidanka booliska Baarlamaanka ay dhaawac u geysteen, arrintaas oo sii xoojisay walaaca laga qabo xaaladda amni.
Gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka taagan buuq, is-maandhaaf iyo muran xooggan.
Ciidamo badan oo boolis ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda, hase yeeshee ilaa hadda kuma guuleysan inay si buuxda u dejiyaan xasaradda.
Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhalato fowdo cusub haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo lagu qaboojiyo khilaafka, loogana hortago rabshado hor leh.
Waxaa si weyn loo sugayaa go’aannada ka soo baxa hoggaanka Baarlamaanka iyo sida ay wax u maareyn doonaan xaaladdan cakiran.


