Thursday, July 2, 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood adag ka yeelanaya arrimaha Dastuurka oo muran ka taagan

Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yeesho dood adag oo ku saabsan meel-marinta iyo ansixinta cutubyo ka mid ah Dastuurka, kadib markii shirkii toddobaadkii hore uu ku dhammaaday muran iyo gacan ka hadal dhex maray qaar ka mid ah xubnaha Golaha Labada Aqal.

Go’aan shalay ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa lagu mamnuucay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka inay ka qayb galaan fadhiyada Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshadihii ka dhacay gudaha xarunta Baarlamaanka.

Hase yeeshee, tiro xildhibaano ah oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hor yimid go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay maanta tagi doonaan xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay ka qayb geli doonaan fadhiga Golaha Labada Aqal, inkastoo uu jiro mamnuucidda la saaray.

Arrintan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in mar kale gacan ka hadal ka dhaco kulanka maanta, maadaama jawigu yahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale, warbaahinta ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan xarunta Baarlamaanka, taasoo keentay su’aalo la xiriira daahfurnaanta fadhiyada iyo helitaanka xogta saxda ah ee ku saabsan waxa ka socda gudaha Golaha.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa socday is-abaabul ay wadaan xildhibaano ka soo horjeeda hab-maamulka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas oo diyaariyay mooshin ka dhan ah Guddoonka. Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, mooshinkaasi weli si rasmi ah looma gudbin, mana uusan gaarin marxaladda lagu falanqeyn lahaa.

Xaaladda Baarlamaanka ayaa haatan u muuqata mid cakiran, iyadoo ay isa soo tarayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira dastuurka, hoggaanka Golaha, iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa si weyn loo sugayaa sida uu ku dhammaan doono kulanka maanta iyo haddii ay dhinacyadu gaari doonaan is-afgarad, ama uu sii xumaan doono khilaafka jira.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles