Khalalaase ka taagan BFS iyo Booliska oo Gacan qaad ku sameeyay Xildhibaanada

Waxaa maanta Khalalaase iyo buuq xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli lagu waday in lagu qabto fadhi lagu falanqeynayo wax ka beddelka Dastuurka.

Xildhibaano diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay aqalka Baarlamaanka, inkastoo 18 xildhibaan oo shalay ganaax la saaray ay maanta qaar ku sugan yihiin, halka kuwa kale ay ka maqan yihiin.

Arrintan ayaa sii hurisay xiisadda iyo khilaafka ka dhex taagan Golaha.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku billowday buuq, sawaxan iyo is-riix-riix, iyadoo ciidamo boolis ah lagu arkay gudaha xarunta Villa Hargeysa, si ay u sugaan amniga.

Xildhibaano iyo askar ayaa isku hor istaageen qabsoomidda kulanka, taasoo sababtay in fadhigii si caadi ah u furmi waayo.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay in ciidanka booliska ay gacan qaad ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, taasoo dhalisay caro iyo cabasho.

Xildhibaan Cadar Xareed ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidanka booliska Baarlamaanka ay dhaawac u geysteen, arrintaas oo sii xoojisay walaaca laga qabo xaaladda amni.

Gudaha xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka taagan buuq, is-maandhaaf iyo muran xooggan.

Ciidamo badan oo boolis ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda, hase yeeshee ilaa hadda kuma guuleysan inay si buuxda u dejiyaan xasaradda.

Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhalato fowdo cusub haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo lagu qaboojiyo khilaafka, loogana hortago rabshado hor leh.

Waxaa si weyn loo sugayaa go’aannada ka soo baxa hoggaanka Baarlamaanka iyo sida ay wax u maareyn doonaan xaaladdan cakiran.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles