Saturday, April 11, 2026

Khalalaasi Siyaasadeed oo weli ka taagan Dalka Tanzania

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aanay awoodin in ay xaqiijiso tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii dhacay kaddib doorashada Arbacadii toddobaadkii hore, iyadoo rabshadaha doorashadau ay galeen maalintoodii saddexaad.

“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto inta qof ee dhimatay ama dhaawacantay. Waxaan weli helaynaa warbixinno ku saabsan hanti gaar ah oo la burburiyey, gaadiid, hanti dadweyne, iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO oo la gubay. Waqtigan ma hayno tirakoob dhammaystiran, ilaa dowladda ay hesho warbixin buuxda, markaas ayaana la heli karaa tiro sax ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit oo la hadlay BBC-da.

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.

Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu caburiyo muwaadiniinta, balse ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga, iyadoo shacabka ku wargelisay in adeegyada internet-ka ay si dhow dib ugu soo laaban doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles