Saturday, November 1, 2025

Khalalaasi Siyaasadeed oo weli ka taagan Dalka Tanzania

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aanay awoodin in ay xaqiijiso tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii dhacay kaddib doorashada Arbacadii toddobaadkii hore, iyadoo rabshadaha doorashadau ay galeen maalintoodii saddexaad.

“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto inta qof ee dhimatay ama dhaawacantay. Waxaan weli helaynaa warbixinno ku saabsan hanti gaar ah oo la burburiyey, gaadiid, hanti dadweyne, iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO oo la gubay. Waqtigan ma hayno tirakoob dhammaystiran, ilaa dowladda ay hesho warbixin buuxda, markaas ayaana la heli karaa tiro sax ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit oo la hadlay BBC-da.

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.

Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu caburiyo muwaadiniinta, balse ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga, iyadoo shacabka ku wargelisay in adeegyada internet-ka ay si dhow dib ugu soo laaban doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweynaha hirshabelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasarada arrimaha gudaha

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein aya ayaa...

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF ee dalka Suudaan

In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay...

Madaxweyne xasan sheikh oo gaaray dalka masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Maxkamada Racfaanka Galgaduud oo qaadaysa kiiskii rag lagu eedeeyay dilka Hooyo iyo Caruurteeda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles