Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf siyaasadeed oo culus uu soo kala dhex galay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Isku dhaca siyaasadeed ayaa la sheegay in ay ku lug leeyihiin xubno wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, iyadoo xaaladda u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu tilmaamay mid kacsan oo maraysa marxalad adag.
Deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay la wareegeen ciidamo ka soo horjeeda maamulka Lafta-gareen, halka meelo kale ay ka jirto cabsi dagaal oo sii xoogeysanaya.
Dadka ku nool Koonfur Galbeed qaarkood ayaa sheegay inay doonayaan isbeddel siyaasadeed, iyagoo tilmaamaya in Madaxweyne Lafta-gareen uu xilka hayay muddo ka badan toddobo sano.
Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Lafta-gareen uu qorsheynayo in maalmaha soo socda si toos ah uga dago magaalada Baydhabo, kadib safar uu kaga soo laabanayo Nairobi, halka Dowladda Federaalka la sheegay inay doonayso inuu marka hore yimaado Muqdisho.
Dhanka kale, warar la helayo ayaa sheegaya in Muqdisho loogu yeeray dhammaan saraakiisha dowladda federaalka ee ku sugan Koonfur Galbeed, balse qaar ka mid ah saraakiishaas ay ka biyo diideen imaanshaha caasimadda.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay qorsheynayaan inay u safraan magaalada Baydhabo.
Maamulka Koonfur Galbeed wali si rasmi ah ugama hadlin arrintan, hase yeeshee waxaa la sheegay in shirar dhowr ah oo ka dhacay Madaxtooyada looga hadlay sida loo wajahayo xaaladda taagan.
Dhanka kale, khilaafkan ayaa durba falcelin ka dhex dhalisay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Cali oo ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa ku baaqay in si furan looga hadlo xaaladda taagan, isagoo yiri:
“Hala soo wada baxo, maxaa hoos looga hadlaa! Isgooyskii aan idinku sugeynay waa la taagan yahay.”
Sidoo kale Senator Xuseen Maxamed Daahir ayaa qoraal uu soo dhigay ku muujiyay taageerada uu u hayo Madaxweyne Lafta-gareen, isagoo yiri:
“Meel aan rabay roob ma iigu da’ay.”
Dhanka kale, Xildhibaan Aamina Eelay oo ka mid ah mucaaradka ugu adag ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa fariin ay soo dirtay ku sheegtay:
“Dhubuq dhubuq hore, dhaban hays dambe ayay leedahay Koonfur Galbeed. Lawada leeyahay ayaan samaysaneynaa Insha Allah, horay ayaa loo soconayaa. Allow dalka nabad nooga dhig.”
Hadalladan kala duwan ayaa muujinaya kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka dhex jira siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha iyo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka.


