Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka soo saaray tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo si buuxda u diiday kuna tilmaamay mid si cad uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu caddeeyay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay xadgudub lagu sameeyay midnimada, wadajirka iyo dhuleednimada Soomaaliya, isla markaana Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin dhulka qaranka.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadaasi ay dhaawacayso xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale ee caalamiga ah, ayna khatar ku tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in shacabka iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ay si buuxda ula garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu difaacayo midnimada dalka, iyagoo adkeeyay in aysan marnaba aqbali doonin isku day kasta oo lagu kala qeybinayo Soomaaliya.

Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo sii hurin karta xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles