Thursday, February 12, 2026

Koofur Galbeed oo war ka soo saartay falka argagaxa lahaa ee ka dhacay Wanla-weyn

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka waxashnimada ah ee lagu dilay qof shacab ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan ayaa lagu tilmaamay mid argagax leh oo liddi ku ah qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada, iyadoo dowladdu ay sheegtay in aan la aqbali karin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida shacabka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku eedeysay kooxaha ka dambeeyay falkaasi inay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada, isla markaana ay ka go’an tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dhacdadan si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay.

Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid ka baxsan doonta sharciga, iyadoo ku adkeysay in la qaadi doono tallaabo adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo dambigan foosha xun.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoysaska marxuumkii ku geeriyooday falkaas, iyadoo Alle uga baryeysa inuu u naxariisto, jannadiisana ka waraabiyo.

Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan kooxaha dhibaatooyinka hurinaya iyo kuwa doonaya inay cabsi iyo kala qoqob ku abuuraan bulshada, ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal noocan oo kale ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada qaranka ku qabilay Wafdi ka socda Boqortooyada ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qoys Ajnabi ah oo lagu jir dilay Hargeysa

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa war ka soo...

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay kala shaqeynayaan ka hortaga qorshaha Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday...

Ismari waa weli ka taagan qabsoomida Shirka

Waxaa weli ismari-waa xooggan uu ka taagan yahay goobta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles